Thursday, July 2, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Dalka Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ka dhacaya Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, kadib casuumaad rasmi ah oo ka timid madaxweynaha Ciraaq, taasi oo loo soo dhiibay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq oo maalmo ka hor  booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho,Islamarkaana la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka Ciraaq wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay fariin casuumaad rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Ciraaq, taasoo ku saabsan ka qaybgalka shir madaxeedka waddamada Carabta oo la qorsheeyay inuu ka furmo magaalada Baqdaad 17-ka May 2025.

Fariintan casuumaada ayaa muujinaysa muhiimadda xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada Carabta, iyada oo la filayo in shirka Baqdaad diiradda lagu saaro arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan Baqdaad ayaa la filayaa inuu fursad weyn u noqdo Soomaaliya si ay codkeeda uga maqashato arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay dalalka walaalaha Carbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles