Jubaland oo sheegtay in aysan qayb ka ahayn kaarka aqoonsiga Qaranka ee DFS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ku wargelisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland, in aysan jirin sharci ay oggolaatay Dowladda Jubbaland oo loo adeegsanayo xaalado siyaasadeed iyada oo aan heshiis rasmi ah laga helin dowladda.

Wasaaradda ayaa cadeysay in Jubbaland aysan aqoonsaneyn wax loogu yeero kaarka Aqoonsiga Qaranka ee aysan Dowladda Jubbaland oggolaan ama ku heshiin, isla markaana uusan lahayn sharciyad rasmi ah oo lagu meelmariyay nidaamka dowladda.

Sidoo kale, Dowladda Jubbaland waxay bulshada uga digeen inay ka qayb qaataan falal kasta oo khilaafaya shuruucda iyo qaanuunka u degsan maamulka Jubbaland. Waxay bulshada kula dardaarantay inay raacaan nidaamka sharciga ah, kana feejignaadaan wax kasta oo keeni kara fowdo ama carqalad.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmay xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland. Khilaafkan ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: awood qeybsiga siyaasadda gudaha, maamulka doorashooyinka, iyo khilaafaadka ku saabsan qaabka loo wajahayo nidaamka federaalka.

Jubbaland ayaa dhowr jeer sheegtay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, halka Dowladda Federaalka ay ku eedeysay Jubbaland in aysan u hoggaansamin heshiisyadii siyaasadeed ee wadashaqeynta. Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay wada shaqeynta hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan beesha caalamka si loo yareeyo is-mari waaga siyaasadeed.

Halkan Akhriso Warsaxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles