Dalalka Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya oo Codsaday Kordhinta Awoodda Howlgalka AUSSOM

Shanta dal ee ciidamadoodu ka qaybqaataan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shaaciyay in loo baahan yahay 8000 oo askari oo dheeraad ah si loo xoojiyo amniga gudaha Soomaaliya, loogana hortago in lagu celiyo guulihii ay horey u gaareen ciidamada nabad ilaalinta.

 Qorshahan cusub ayaa lagu darayaa ciidamo horay loogu qoondeeyay howlgalka, kuwaas oo tiradoodu tahay 11,900 askari, taasoo ka dhigaysa in tirada guud kor ugu kacdo in ka badan 19,000 oo askari.

War-saxaafadeed ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen magaalada Kampala, hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya ayaa si adag ugu baaqay in si degdeg ah loo tixgeliyo fursadaha ah in dalal kale – iyagoo heshiis la galaya Dowladda Federaalka Soomaaliya – ay ciidamo geeyaan gudaha dalka.

Dalalka sida Turkiga ayaa si gaar ah loo xusay in ay fursad u haystaan inay ka qaybqaataan sugidda amniga Soomaaliya, iyadoo loo marayo heshiis rasmi ah oo ay la galaan dowladda Soomaaliya.

Masar ayaa dhowaan ku biirtay dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya, waxayna si rasmi ah ula safan tahay kuwa horey u joogay, oo kala ah:

Uganda

Djibouti

Kenya

Ethiopia

Dalalkan ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee qaabilsan howlgalka AUSSOM, waxaana hadda muuqata in la doonayo in la balaariyo saameyntooda si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo in laga hortago dib-u-dhac amni.

Tallaabadan cusub ee la qaaday waxay muujinaysaa baahida xooggan ee loo qabo xoojinta dadaallada sugidda amniga Soomaaliya.

Waxaa la sugayaa in beesha caalamka iyo dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya ay ka falceliyaan baaqan muhiimka ah, si loo gaaro xasillooni iyo horumar joogto ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles