Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Dalka Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ka dhacaya Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, kadib casuumaad rasmi ah oo ka timid madaxweynaha Ciraaq, taasi oo loo soo dhiibay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq oo maalmo ka hor  booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho,Islamarkaana la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka Ciraaq wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay fariin casuumaad rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Ciraaq, taasoo ku saabsan ka qaybgalka shir madaxeedka waddamada Carabta oo la qorsheeyay inuu ka furmo magaalada Baqdaad 17-ka May 2025.

Fariintan casuumaada ayaa muujinaysa muhiimadda xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada Carabta, iyada oo la filayo in shirka Baqdaad diiradda lagu saaro arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan Baqdaad ayaa la filayaa inuu fursad weyn u noqdo Soomaaliya si ay codkeeda uga maqashato arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay dalalka walaalaha Carbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles