Weerarada Israa’iil oo sii Socda iyo Baaqyada Xabbad Joojin

Ugu yaraan 40 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay Sabtidii weerarro cusub oo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen Gaza, iyadoo hay’adaha gargaarku ka digayaan xaalado macaluul baahsan oo halkaas ka jira, sababo la xiriira xayiraadda Israa’iil.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan heshiis dhamaystiran oo lagu gaari karo xabbad joojin, is-weydaarsi maxaabiis iyo dib-u-dhis, iyada oo wadaxaajoodkaas uu ka socdo magaalada Qaahira ee Masar.

Magaalada Tel Aviv, kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa dibad-baxyo ballaaran dhigay, iyagoo ka dalbanaya Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka oo uu soo daayo 59-ka qof ee wali lagu haysto Gaza.

Tan iyo bilowgii dagaalka 18 bilood kahor, ugu yaraan 51,495 Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, halka tirada guud ee dhimashada, sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta Gaza, haatan kor u dhaaftay 61,700 oo qof, iyadoo kumannaan kale la la’yahay oo lagu tuhunsan yahay inay ku hoos jiraan burburka.

Dhanka Israa’iil, 1,139 qof ayaa lagu dilay weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, iyadoo in ka badan 200 qof la afduubtay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles