Monday, August 17, 2026

Fiqi oo la wareegay xilka Wasiirka Gaashaandhiga DFS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi & Wasiirkii hore Wasaaraddda Mudane Jibriil Cabdirashiid

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin leh heerarka kala duwan ee dowladda iyo marti sharaf kale, waxayna ka dhacday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga isagoo kula dardaarmay in Alle u Fududeeyo xilka loo igmaday.

Mudane Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa sheegay in Wasaarada gaashaandhiga ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan Dowlada ee tiir dhexaadka u ah howlgalada ka dhanka ah cadowga gudaha iyo dibeda.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu dardar gelin doono howgalada dalka looga sifeynayo kooxda Al shabaab.

“Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka Khawaarijta, waxaana si wanaagsan oo ixtiraam leh ula shaqeyn doonaa Taliska Xoogga, anagoo sixi doona xuquuqda Ciidamada Qaranka.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles