Sunday, April 26, 2026

Maamulka SSC Khaatumo oo magac cusub la baxay

WAR-SAXAAFADEED

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada.

Ugu horrayn guddi hoosaadyada golaha ayaa ka warbixiyey xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Sidoo kale golaha ayaa go’aamiyey in maanta wixii ka dambeeyey magaca maamulka KMG SSC-Khaatumo loo bedelay DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO EE SOOMAALIYA.

Si waafaqsan axdiga ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaasoo faraya in muddo labo sano ah ka laga guuri doono KMG oo la noqon doono dawlad goboleed dhammaystiran.

Sidoo kale waxaa guulaystay dhammaan dedaalladii xukuumaddu ugu jirtay dhammaystirka.

Ugu dambayn safarkii Socdaalmidnimo ee Raysal Wasaaraha xukuumadda Danqaran ku timi deegaanka SSC-Khaatumo, si buuxda loogu dhawaaqay Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

Sidaas darteed goluhu waxa uu go’aamiyey in magaca saxda ahi noqdo DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO, dhanka kale goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda in ay isticmaalaan magaca cusub ee dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

-DHAMMAAD-

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles