Dad ku dhintay daadadka roobka ee xalay ka da’ay Muqdisho iyo wadooyin burburay

Waxaa Xalay Magalaada Muqdisho ka da’day roob ma hiigaan ahaa, oo daad watay kaas oo keenay in ay ka dhalato dhibaato naf iyo maal leh.

Roobka ayaa waxaa uu dhibaato u geystay qoysas badan, oo qaarkood ku dumay guryahooda,kuwaas oo meelo hoose ku yaalay, daadka u galay halka guryaha qaar ay xalay oo dhan biyo dhaamin ku jireen.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in barakacayaasha ay sidoo kale soo wajahday dhibaato adag, taasi oo ka xanuun badan dadka ku nool xaafadaha Muqdisho

Wadooyin badan oo halbowlo ah ayaa burbur xoogan gaaray, waxaana ka mid ah Isgoosyada Soobe iyo Banaadir iyo wadooyin kale.

Sidoo kale Biyo badan ayaa dhex yaala qaar ka mid ah laamiyada Muqdisho, dadka shacabka ah ayaa waxaa ku adag in ay maraan laamiyada ay biyaha fadhiyaan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka mid ah meelaha ay biyaha dhex fadhiyaan, taasi oo sameyn ku yeelatay shaqada garoonka.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku geeriyootay roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana dadkan ay daadadka biyaha ay ugu galeen gurigooda oo ku yaala Xaafadda Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jab jab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir  Yabooh ayaa sheegay in guryo badan ay dumeen, islamarkaana waraha ay biyo buux dhaafiyeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles