Tuesday, July 21, 2026

Maxay ka wadahadleen wasiirka arrimaha dibada iyo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee  Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Labada dhinac ayaa waxaa ay diiradda saareen horumarinta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo xoojinta taageerada dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Safiir Wang Yu ayaa ugu horeyn Wasiir Cabdisalaan ku bogaadiyay magacaabistiisa dhowaan loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar uu ku hoggaamiyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Waxa uu intaas ku daray in Dowladda Shiinaha ay weligeed garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashada sharafeed iyo hambalyada uu u muujiyay, isagoo si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay danaynayso iskaashi miro dhal ah oo la xiriira mashaariicda horumarineed, tayeynta adeegyada bulshada, iyo tababarrada kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha dowladda.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo heshiisyadii hore u dhaxeeyay labada dowladood, lagana shaqeeyo qorshayaal cusub oo labada dal ka wada faa’iideysan karaan, iyada oo la dardargelinayo xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dab khasaare hantiyeed geystay oo ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan ayaa maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee...

Puntland oo Faahfaahin Ka Bixisay Hawlgalkii Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

AFRICOM oo shaacisay duqeyn Cusub oo ay ka Fulisay Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu...

Ciidanka Puntland oo la Wareegtay Goobihii ay kula dagaalmaeen ciidanka PSF

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay saaka si...

Israel oo xarig ugu hanjabtay Duqa York

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles