Kulanka Golaha shacabka oo maanta u baaqday Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho

Waxaa maanta baaqday kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay xildhibaannada waayeen waddooyinkii ay u soo mari lahaayeen xarunta golaha, sida uu shaaciyay Habdhowraha Golaha Shacabka.

Sababta ugu weyn ee keentay baaqashada kulanka ayaa lagu sheegay in roobabkii xoogga lahaa ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ay sabab u noqdeen biyo fariistay waddooyinka muhiimka ah ee isu xiraya xaafadaha iyo xarumaha dowliga ah, taasoo adkeysay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooram la’aan darteed aysan suurtagal noqon in la qabto kulanka, isagoo xusay in xaaladda waddooyinka ay si gaar ah u saameeyeen tirada xildhibaannada imaan kara xarunta Golaha.

Xildhibaanada qaar ayaa la sheegay inay saaka isku dayeen inay soo gaaraan xarunta, balse ay ku khasbanaadeen inay dib ugu laabtaan sababo la xiriira biyo fadhiya waddooyinka, burburka qaar kamid ah laamiyada, iyo gaadiid la’aan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles