Saturday, November 15, 2025

Dad ku dhintay daadadka roobka ee xalay ka da’ay Muqdisho iyo wadooyin burburay

Waxaa Xalay Magalaada Muqdisho ka da’day roob ma hiigaan ahaa, oo daad watay kaas oo keenay in ay ka dhalato dhibaato naf iyo maal leh.

Roobka ayaa waxaa uu dhibaato u geystay qoysas badan, oo qaarkood ku dumay guryahooda,kuwaas oo meelo hoose ku yaalay, daadka u galay halka guryaha qaar ay xalay oo dhan biyo dhaamin ku jireen.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in barakacayaasha ay sidoo kale soo wajahday dhibaato adag, taasi oo ka xanuun badan dadka ku nool xaafadaha Muqdisho

Wadooyin badan oo halbowlo ah ayaa burbur xoogan gaaray, waxaana ka mid ah Isgoosyada Soobe iyo Banaadir iyo wadooyin kale.

Sidoo kale Biyo badan ayaa dhex yaala qaar ka mid ah laamiyada Muqdisho, dadka shacabka ah ayaa waxaa ku adag in ay maraan laamiyada ay biyaha fadhiyaan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka mid ah meelaha ay biyaha dhex fadhiyaan, taasi oo sameyn ku yeelatay shaqada garoonka.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku geeriyootay roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana dadkan ay daadadka biyaha ay ugu galeen gurigooda oo ku yaala Xaafadda Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jab jab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir  Yabooh ayaa sheegay in guryo badan ay dumeen, islamarkaana waraha ay biyo buux dhaafiyeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles