Kulanka Golaha shacabka oo maanta u baaqday Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho

Waxaa maanta baaqday kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay xildhibaannada waayeen waddooyinkii ay u soo mari lahaayeen xarunta golaha, sida uu shaaciyay Habdhowraha Golaha Shacabka.

Sababta ugu weyn ee keentay baaqashada kulanka ayaa lagu sheegay in roobabkii xoogga lahaa ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ay sabab u noqdeen biyo fariistay waddooyinka muhiimka ah ee isu xiraya xaafadaha iyo xarumaha dowliga ah, taasoo adkeysay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooram la’aan darteed aysan suurtagal noqon in la qabto kulanka, isagoo xusay in xaaladda waddooyinka ay si gaar ah u saameeyeen tirada xildhibaannada imaan kara xarunta Golaha.

Xildhibaanada qaar ayaa la sheegay inay saaka isku dayeen inay soo gaaraan xarunta, balse ay ku khasbanaadeen inay dib ugu laabtaan sababo la xiriira biyo fadhiya waddooyinka, burburka qaar kamid ah laamiyada, iyo gaadiid la’aan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles