Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyay sharci ka hor imaanaya Diinta Islaamka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka koobanyahay, waxaana maadaamaa akhrinta koowaad uu marayay islamarkaana aanu wax dood ah ka furneyn, waxa ay Xildhibaanadda Golaha ay wasiirka weydiiyeen su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

Sharciga Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta ayaa ka hor imaanaya diinta Islaamka, Waxaana xildhibaanada ay dalbadeen in ay dib loo celiyo sharcigaasi.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles