Xildhibaan CCW oo ka hadlay Gulufka dagaal ee ka socda Hirshabelle

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda dagaal ee ka taagan deegaannada Hirshabelle, isagoo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed si dhow indhaha ugu hayaan sida ay madaxda dowladda federaalku masuuliyad uga muujiyaan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in dagaalkani uu yahay dagaal jiritaan, islamarkaana kooxda argagixisada ay doonayaan inay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, taas oo ay uga aar-gudanayaan guulihii horey loogu gaarey dagaalladii lagula galay.

“Dowladdu waa in ay si degdeg ah ugu gurmataa shacabka dagaalka ku jira — ciidamo, saanad, iyo taageero walba oo suuragal ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay isku tashiga iyo abaabulka deegaanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay in la laban-laabo dadaalka iyo in la furo akoonno taakulo ah, si shacabka Soomaaliyeed ay gacan uga geystaan difaaca dalka iyo dadkooda.

Xildhibaanku wuxuu baaq u diray deegaannada iyo beelaha dariska la ah Beelaha ka soo jeeda Hiiraan, isagoo ugu yeeray inay u gurmadaan walaalahooda: “Difaaca dalka iyo deegaanka waa waajib, hana sugin inta cadowgu kuu imaanayo gurigaaga.”

Ugu dambeyn, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto shuhadadii ku dhimatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Mubaax iyo nawaaxigeeda, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawacyadii ka dhashay weeraradaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles