Madaxweynaha Hirshabeelle kormeeray furimaha ay ku sugan yihiin xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka-sida

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa kormeeray dhammaan furimaha ay ku sugan yihiin xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka-sida.

Saraakiisha kala duwan ee ciidamada hoggaamineyso ayuu kulamo gaar gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha waxana ay la wadaageen farsamo ahaan iyo qaabka uu noqonayo howlgalka cusub ee lagu wajahayo AS.

Goobaha uu booqday Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mid ah deegaanka War-gaadhi oo qeyb ka ah meelaha lagu wiiqay cududda AS, waxana uu guubaabiyey halganka saraakiisha iyo ciidamadii goobta joogay.

Toddobaadyada soo socda guluf-ka mideysan ayaa soo af-jari doono howlgalka dabar-goynta AS ee soo biloowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

“Xaq-u-dirirka shacabka Hirshabeelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Soomaaliya mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda AS ku qabsatay dagaalka. Hirshabeelle waa ay ka gudbi doontaa waqtigan adag waxana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan.”

Gunaanudkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Hirshabeelle, geesiyaasha nafta-u-huray iyo kuwa ku dhawaacmay dagaalka xaqa ah, waxana uu ugu baaqay in niyad-wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka AS looga saarayo dalka.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles