Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday ciidamada Macawisleyda ee Muqdisho lagu daweynayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee geesiyaasha Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro AS.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada halyeeyadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaa kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

 

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles