Dagaal culus oo maanta ka socda dhulka Howdka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar culus ku qaaday goobaha ay Al-shabaab ku sugnaayeen ee ku yaal dhulka howdka ah ee soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka socdaa  deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waxaana la soo sheegayaa in dagaalkan uu yahay mid aad u culus, islamarkaana lagu weeraray goob godad ah oo Al-shabaab ay isku uruursanayeen.

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalka, laakiin ilaa hadda lama hayo tirada saxda ah ee khasaaraha.

Weerarkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa kadib  markii ay ciidamadu sameeyeen howlgallo is-daba-joog ah oo ku wajahan xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kuwaas oo ay ka dhaceen dagaallo hore, iyada oo lagu dilay maleeshiyo badan oo Al-shabaab ka tirsan, halka saraakiil ciidan ay ku geeriyoodeen.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Hay’adda NISA, xildhibaano ka soo jeeda gobolka Hiiraan, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku sugan furimaha hore ee dagaalka si ay u dardargeliyaan gulufka dagaalka ee socda.

Weerarka ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaalada lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee Hiiraan ayaa muddo seddexdii maalin ugu dambeysay dagaalkii ugu cuslaa la galaya maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona goobo muihiim ah laga qabsaday kooxda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles