Wednesday, June 24, 2026

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in liiska Ciidanka ka saareyso Ilaalada siyaasiyiinta Mucaaradka

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay liiska ciidanka ka saareyso dhammaan ciidamada ilaalada u ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee lagu arkay magaalada Muqdisho, kuwaas oo shalay si weyn u galbinayay mas’uuliyiinta mucaarad ah.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Cumar Cali Cabdi, oo warbaahinta la hadlay , ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid lagu adkeynayo kala dambeynta ciidamada qalabka sida iyo ilaalinta xeerarka u degsan adeegsiga ciidanka qaranka.

“Ciidamada qalabka sida waa in aysan qeyb ka noqon arrimo siyaasadeed, loona adeegsan si waafaqsan dastuurka iyo sharciga ciidanka,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabul mucaarad oo ka socda magaalada Muqdisho, taasoo sare u qaaday xiisadda u dhexeysa dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka.

Dowladda ayaa sidoo kale uga digtay ciidamada in ay si gaar ah uga amar qaataan siyaasiyiin aan dowladda qeyb ka ahayn, taasoo ay ku sheegtay khatar amni iyo mid sharciyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles