Sheekh Shariif oo ka hadlay caburinta Saxaafadda iyo Cadaadiska ka jira Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo si adag uga hadlay xaaladda amni, cadaadiska saxaafadda, iyo caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta caasimadda.

Sheekh Shariif ayaa si cad u cambaareeyay tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo wariyeyaasha iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo sheegay in ficilladaasi ay yihiin kuwo lid ku ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda waa tiir muhiim ah oo dowlad kasta ay ku dhisan tahay. Marna la aqbali maayo in saxafiyiin la caburiyo ama la handado sababo siyaasadeed dartood,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore wuxuu ugu baaqay dowladda in ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta oo ay joojiso faragelinta tooska ah ee lagu hayo warbaahinta xorta ah, isagoo xusay in xorriyadda warbaahinta ay ka mid tahay waxyaabaha caalamka looga qiimeeyo dowlad wanaagga.

Sheekh Shariif ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku eedeeyay in ay cuburin iyo caga jugleyn ku hayso warbaahinta madaxa banaan, islamarkaana waxaa uu xusayay in arrintaasi aan la aqbali karin, waxaa uuna dowladda ka dalbaday inuu joojiso damaca ay wato dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli warbaahinta gudaha ay wajahayaan cadaadis isa soo taraya oo lagu hayo qaar ka mid ah wariyeyaasha si gaar ah uga warama arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles