Sheekh Shariif oo ka hadlay caburinta Saxaafadda iyo Cadaadiska ka jira Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo si adag uga hadlay xaaladda amni, cadaadiska saxaafadda, iyo caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta caasimadda.

Sheekh Shariif ayaa si cad u cambaareeyay tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo wariyeyaasha iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo sheegay in ficilladaasi ay yihiin kuwo lid ku ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda waa tiir muhiim ah oo dowlad kasta ay ku dhisan tahay. Marna la aqbali maayo in saxafiyiin la caburiyo ama la handado sababo siyaasadeed dartood,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore wuxuu ugu baaqay dowladda in ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta oo ay joojiso faragelinta tooska ah ee lagu hayo warbaahinta xorta ah, isagoo xusay in xorriyadda warbaahinta ay ka mid tahay waxyaabaha caalamka looga qiimeeyo dowlad wanaagga.

Sheekh Shariif ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku eedeeyay in ay cuburin iyo caga jugleyn ku hayso warbaahinta madaxa banaan, islamarkaana waxaa uu xusayay in arrintaasi aan la aqbali karin, waxaa uuna dowladda ka dalbaday inuu joojiso damaca ay wato dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli warbaahinta gudaha ay wajahayaan cadaadis isa soo taraya oo lagu hayo qaar ka mid ah wariyeyaasha si gaar ah uga warama arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles