Wednesday, June 24, 2026

Ciyaartooy caan ah oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Wafdi ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya. Wafdigan oo ka kooban ciyaaryahanno hore oo Afrikaan ah, ayaa ka soo ciyaaray horyaalada qaarada Yurub iyo kuwa caalamiga ah, waxayna ka mid yihiin ciyaartooyda caanka ah sida Samuel Eto’o, oo hore u ahaa xiddigii kooxda Barcelona isla markaana hadda ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon, Jay-Jay Okocha, oo halyeey u ah xulka Qaranka Nigeria, iyo Emmanuel Adebayor, oo hore u ahaa weeraryahanka xulka Qaranka Togo.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah in la horumariyo kubadda cagta Soomaaliya, iyo sidoo kale in la qiimeeyo xaaladda amniga ee dalka, si loo ogaado in Soomaaliya ay awooddo inay martigeliso tartamada caalamiga ah ee kubadda cagta, gaar ahaan kuwa ka dhaca Afrika iyo dalalka Carabta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa sheegtay in booqashada wafdigan ay tahay fursad weyn oo loo isticmaali karo horumarinta ciyaaraha dalka iyo iskaashiga caalamiga ah ee kubadda cagta.

Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdigan, waxaana qabanqaabadaas hoggaaminaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Tani waxay noqonaysaa munaasabaddii ugu sareysay ee FIFA soo dirto Soomaaliya muddo 35 sano ah, taas oo muujinaysa muhiimadda ay FIFA siineyso horumarka kubadda cagta ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles