Friday, May 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Garoonka Stadium Muqdisho ka furay kulan ciyaareedka Xidigaha Halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, taas oo dhex martay halyeeyadii hore ee xulka Qaranka iyo kuwa Qaaradda Afrika ee kala ah Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor.

Ciyaartan oo ah mid ku dhisan is-dhexgal, saaxiibtinimo dhiirrigelin, waxa ay ka tarjumaysaa rajada cusub ee uu dalka Soomaaliya nabad ah, gaar ahaan dhanka horumarinta isboortiga, waana fursad qiimayn rasmi ah loogu sameynayo in xulka Qarankeennu helo garoommo ciyaareed caalami ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka xiddigaha caalamiga ah iyo madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.

Ciyaarta Saaxiibtinimo ee galabta ka qabsoontay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, xubin sare oo ka tirsan golaha sare ee fulinta FIFA, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jamhuuriyadda Djibouti, Madaxweynaha xiriirka bariga iyo bartamaha Afric iyo Masuuliyiin kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles