Wednesday, August 19, 2026

Guddoomiye Muungaab oo amar ku bixiyay in la baneeyo Xarumaha Waxbarashadda ee Gobalka Benaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025, imtixaan ay u fadhiisteen 41,639 arday oo ka kala socday dhammaan degmooyinka gobolka.

Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday mid ka mid ah xarumaha imtixaanka, iyadoo uu Guddoomiyuhu kula dardaarmay ardayda inay si daacadnimo leh u galaan imtixaanka, ayna muujiyaan dadaal iyo akhlaaq wanaag.

Tani ayaa noqoneysa sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qaban-qaabinayo imtixaanka dugsiyada dhexe, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo isla xisaabtanka nidaamka waxbarasho ee gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa amar ku bixiyay in la baneeyo dhammaan xarumaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir, si loo sugo hufnaanta iyo amniga imtixaanka, ayna ardaydu si nabad ah ugu gudbaan imtixaankooda.

Waxaa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles