Guddoomiye Muungaab oo amar ku bixiyay in la baneeyo Xarumaha Waxbarashadda ee Gobalka Benaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025, imtixaan ay u fadhiisteen 41,639 arday oo ka kala socday dhammaan degmooyinka gobolka.

Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday mid ka mid ah xarumaha imtixaanka, iyadoo uu Guddoomiyuhu kula dardaarmay ardayda inay si daacadnimo leh u galaan imtixaanka, ayna muujiyaan dadaal iyo akhlaaq wanaag.

Tani ayaa noqoneysa sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qaban-qaabinayo imtixaanka dugsiyada dhexe, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo isla xisaabtanka nidaamka waxbarasho ee gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa amar ku bixiyay in la baneeyo dhammaan xarumaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir, si loo sugo hufnaanta iyo amniga imtixaanka, ayna ardaydu si nabad ah ugu gudbaan imtixaankooda.

Waxaa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada.

WARARKII KALE

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles