Tuesday, August 18, 2026

Dawladda Pakistan oo sheegtay inay la safantahay Iiraan oo wajahaysa weeraro kaga imaanaya Israa’iil

Dagaal xooggan oo dhinaca cirka ah, ayaa ka dhax qarxay milatariga dowladaha Israaโ€™iil iyo Iran, waxaana cabsi badan laga qabaa in dagaalka faraha kasii baxo kuna sii faafo gobolka iyo meelo kale oo kasii baxsan.

Israaโ€™iil waxaa duullaanka ay ku qaad3โ€een Iran garab ku siinaya Mareykanka , UK iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah, kuwaa oo si hoose iyo si toos ahba garab ugu siinaya ciidamada Israaโ€™iil duullaanka ay qaadeen dalka Iran.

Dowladda Pakistan oo kamid ah dowladaha Islaamka ee ku hubeysan hubka nukliyeerka , ayaa si toos ah shaaca uga qaaday in ay garab taagan tahay dowladda Iran oo ay sheegtay in lagu qaaday weerar aan laga fiirsan oo gardarro ahaa.

Wasiirka Difaaca dalka Pakistan Khawaja Asif oo maanta la hadlay golaha amniga ee dowladda Pakistan ayuu ku caddeeyay in dowladiisa garab taagan tahay dowladda Pakistan uu sheegay in duullaan dulmi ku dhisan lagu qaaday.

โ€œIsraaโ€™iil waxay bartilmaameedsanaysaa Yemen, Iran, iyo Falastiinโ€ฆ Xaaladdan oo dhan, Israโ€™iil keligood ma dhaqaaqayaan, waxaa jira quwaddo kale oo garab siinaya โ€” Haddii dunidda Islaamka aysan hadda midoobin, dhammaanteen waxaan la kulmi doonnaa isla masiirkaas.โ€ Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.

Wasiirka Difaaca dowladda Pakistan, ayaa si aan gambasho laheyn ย u sheegay in xilligan adag ay garab taagan yihiin walaalahooda Iran, isaga oo intaa ku daray in xanuunka iyo murugada la dareemayaan walaalahooda reer Iran.

โ€œXilligan adag, Pakistan waxay Iran u garab taagan tahay si buuxda oo dhan kasta ah. Waxaan difaaceynaa danaha Iran. Dadka Iiraan waa walaalaheenna, xanuunkooda iyo murugadoodana waan wadaagnaa.โ€ Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles