Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday qorshe ay Israaโiil ku doonayso in ay ku disho Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Aayatollah Cali Khamenei, sida ay CBS Newsย u sheegeen saddex sarkaal oo Maraykan ah.
Trump ayaa la sheegay in uu ku waaniyay raysal wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu in dilka Khamenei aanu ahayn โfikrad wanaagsanโ, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiishaasi.
Wadahadalka ayaa la sheegay in uu dhacay kaddib markii Israaโiil ay weerar ku qaadday Iiraan, maalintii Jimciha.
Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay Fox News, Netanyahu ayaan si toos ah u xaqiijin ama beenin warbixin ay daabacday Reuters oo ahayd in Trump uu diiday qorshaha lagu khaarajinayo Aayatullah.


