Wednesday, March 4, 2026

Wasaarada Kalluumeysiga Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Shirkad laga leeyahay Turkiga

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee JFS iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Waxa uu diiradda saaraya dhowr qodob oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha kalluumeysiga

  1. Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka,

3.Tayeynta kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah,

4.Dhisidda warshadaha kalluumeysiga si kor loogu qaado kalluunka ka dhoofaya dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada,

5.Hagaajinta nidaamka la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah.

Heshiiskan waxaa dhinaca DFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Mudane Ahmed Hassan Aden, halka dhinaca Shirkadda OYAK uu saxiixay Mudane Sermaye Yatırımları Anonim Şirketi. Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu si weyn uga qayb qaato kor u qaadista dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda ee Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqdo shaqo-abuur ballaaran oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles