Wednesday, March 4, 2026

Taliska NISA oo sheegay in Duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankaan.”  ayaa lagu warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska NISA.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray”Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.”

Bayaanka NISA ayaa lagu sheegay “Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.”

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles