Tuesday, August 18, 2026

Kenya oo ciidamo dhigtay wadooyinka iyo Banaanbax maanta lagu wado inuu dhaco

Dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo kacsan maanta, iyadoo in ka badan hal milyan muwaadiniin ah ay isu diyaariyeen inay ka qaybqaataan banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda, gaar ahaan canshuuraha cusub ee lagu soo rogay shacabka.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa muujiyay cabsi iyo walaac xoogan oo ku aaddan mudaharaadyada rabshadaha wata ee maanta ka dhacaya guud ahaan dalkaasi, kuwaasoo looga soo horjeedo isbeddelka lagu wado in lagu sameeyo canshuuraha cusub ee dawladda Kenya.

Mudaaharaadyadan oo ay hormuud u yihiin dhalinyarada ka tirsan dhaqdhaqaaqa Generation Z, ayaa la filayaa inay si weyn uga dhacaan magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa, Kisumu iyo Eldoret. Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah bannaanbaxyadii hore ay isku beddeleen rabshado sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, taasoo keentay in ganacsatada iyo dad badan oo ajnabi ah ay dareemaan halis.

Dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga iyo nolol raadinta u jooga dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, ayaa ka digay in xiisadaha ka dhasha mudaharaadyada ay si gaar ah u saameyn karaan. Qaar ka mid ah jaaliyadda ayaa sheegay iney ku jiraan cabsi laga yaabo in lagu eedeeyo ama ay la kulmaan weerarro la beegsado, maadaama ay yihiin qowmiyad ajnabi ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah si loo sugo nabadgelyada intii lagu guda jiro mudaharaadyada. Ciidamada booliska iyo ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, iyadoo laga cabsi qabo in mudaaharaadyadu isu beddelaan rabshado sida dhacday maalmo ka hor.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles