Ciidamada xoogga iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya Masaajid Cali Gaduud

Wararka laga helayo Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya inuu Dagaal culus ka socdo degaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada xoogga Dalka.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay ciidamada xooga dalka ee isugu jira Danab iyo Gorgor ku qaadeen degaanka Masaaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhexe oo halkaasi ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka laga helayo dadka degaanka iyo ciidamada degaanka ayaa sheegaya inay Ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Masajid Cali-Gaduud, iyadoo dagaal looga saaray Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay inay  Ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ay gudaha u galeen, iyadoo dagaalkuna weli socdo.

Weerkan ayaa yimid, kadib  diyaar garow ay maalmahan wadeen ciidamada dowladda oo mar kale isu diyaariyay inay dib ula wareegaan degaanadii Alshabaab hore u qabsadeen.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada XDS, Daraawiishta Dowladda Hirshabeelle, iyo Ciidanka xaq-u dirirka ee dadka deegaanka ayaa si buuxdo ula wareegeen degaanka Masjid Cali Gaduud, isla markaana Alshabab lagu gaarsiiyay jab aad u culus.

Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay wadaan howlgallo  oo lagu nadiifinayo magaalada Masaajid Cali gaduud.

Weerarka ay maanta ciidamada dowladda  qaadeen ayaa ka mid ah qorshaha dib-u-xoreynta guud ee gobolka Sh/Dhexe.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles