Netanyahu oo ka tanaasulay qodobo hor taagnaa xabad joojinta

RW Israel Netanyahu ayaa ka tanaasulay qodobadii heshiiska xabad joojinta hor taagnaa kuwaasoo la xiriiray shuruudo ay wadatay Xamaas

Netanyahu ayaa maanta la kulmay kooxda Israa’iil ee wada-hadallada xabbad-joojinta isagoo u sheegay inuu oggalaaday qodobbada heshiiska hortaagnaa ee ka bixitaanka iyo furitaanka labada marin ee isku xira Qasa iyo Masar, kuwaasoo kala ah Philadelphi iyo Rafah, halka uu sidoo kale go’aansan doono inay Israa’iil u oggalaanayso marka heshiiska uu dhaco dadka ka qaxay waqooyiga Qasa inay dib ugu laaban karaan, taasoo sidoo kale suuragelinaysa inuu isku socodka dib u furmo, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth.

Mowqifka Netanyahu ee isbeddelka uu ku yimid ayaa ka caraysiiyay qaar ka mid ah wasiirrada xag-jirka ah, kuwaasoo ka soo horjeestay, iyagoo ku eedeynaya Netanyahu inuu oggalaaday soo jeedinta Xamaas.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadda ah, Wasiirka Tamarta, Eli Cohen ayaa ka mid ah xubnaha ka soo horjeestay ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee marinka Philadelphi oo uu ku sheegay goob ay Xamaas u adeegsato inay hubka ka soo geliyaan Qasa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles