Tuesday, January 13, 2026

Netanyahu oo ka tanaasulay qodobo hor taagnaa xabad joojinta

RW Israel Netanyahu ayaa ka tanaasulay qodobadii heshiiska xabad joojinta hor taagnaa kuwaasoo la xiriiray shuruudo ay wadatay Xamaas

Netanyahu ayaa maanta la kulmay kooxda Israa’iil ee wada-hadallada xabbad-joojinta isagoo u sheegay inuu oggalaaday qodobbada heshiiska hortaagnaa ee ka bixitaanka iyo furitaanka labada marin ee isku xira Qasa iyo Masar, kuwaasoo kala ah Philadelphi iyo Rafah, halka uu sidoo kale go’aansan doono inay Israa’iil u oggalaanayso marka heshiiska uu dhaco dadka ka qaxay waqooyiga Qasa inay dib ugu laaban karaan, taasoo sidoo kale suuragelinaysa inuu isku socodka dib u furmo, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth.

Mowqifka Netanyahu ee isbeddelka uu ku yimid ayaa ka caraysiiyay qaar ka mid ah wasiirrada xag-jirka ah, kuwaasoo ka soo horjeestay, iyagoo ku eedeynaya Netanyahu inuu oggalaaday soo jeedinta Xamaas.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadda ah, Wasiirka Tamarta, Eli Cohen ayaa ka mid ah xubnaha ka soo horjeestay ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee marinka Philadelphi oo uu ku sheegay goob ay Xamaas u adeegsato inay hubka ka soo geliyaan Qasa.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles