Monday, January 26, 2026

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo si xeel dheer loo abaabulay ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobo ay si dhuumaaleysi ah uga howlgali jireen.

Waxaa dadka la dilay ka mid ahaa madaxii miinooyinka ee Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ah guul muhiim ah oo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah.

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu burburiyay xarumo iyo godad ay kooxda Khawaarijta ku dhuumanayeen, kuwaas oo muhiim u ahaa qorshayaashooda qaraxyo iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles