Monday, January 26, 2026

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shirka 4aad ee Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Seville ee dalka Spain.

Shirkan oo tobankii sanoba mar la qabto ayaa diiradda saaraya dib-u-eegista iyo hagaajinta qaab-dhismeedka nidaamka maalgelinta horumarinta caalamka, iyadoo la doonayo in la helo hannaan cadaalad iyo sinnaani ku dhisan oo u fududeeya dalalka nugul inay helaan maalgelin la awoodi karo, la heli karo, oo joogto ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa adkeeyay muhiimadda shirkan iyo baahida loo qabo isbeddel dhab ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ahi uu si hufan ugu adeego dalalka nugul. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay xaaladda Soomaaliya, guulaha ay ka gaartay dib-u-habeynta iyo dadaalka joogtada ah ee lagu dhisayo dhaqaale xasilloon oo loo dhan yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la taageero dalalka nugul si ay u helaan maalgelin ku habboon oo waxtar leh, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda gaarka ah, isla markaana la xoojiyo matalaaddooda go’aan-qaadashada nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

WARARKII KALE

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles