Thursday, March 12, 2026

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shirka 4aad ee Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Seville ee dalka Spain.

Shirkan oo tobankii sanoba mar la qabto ayaa diiradda saaraya dib-u-eegista iyo hagaajinta qaab-dhismeedka nidaamka maalgelinta horumarinta caalamka, iyadoo la doonayo in la helo hannaan cadaalad iyo sinnaani ku dhisan oo u fududeeya dalalka nugul inay helaan maalgelin la awoodi karo, la heli karo, oo joogto ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa adkeeyay muhiimadda shirkan iyo baahida loo qabo isbeddel dhab ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ahi uu si hufan ugu adeego dalalka nugul. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay xaaladda Soomaaliya, guulaha ay ka gaartay dib-u-habeynta iyo dadaalka joogtada ah ee lagu dhisayo dhaqaale xasilloon oo loo dhan yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la taageero dalalka nugul si ay u helaan maalgelin ku habboon oo waxtar leh, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda gaarka ah, isla markaana la xoojiyo matalaaddooda go’aan-qaadashada nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles