Soomaaliya iyo Tanzania oo yeelanaya khad duulimaad toos ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tanzania ayaa  kala saxiixday baaq ka soo baxay kulanka khubarada farsamo ee labada dal ee ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam oo lagaga hadlayay xoojinta iskaashiga labo geesoodka ee dhinaca duulimaadka rayidka, waxaana goob-joog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda labada dal, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo.

Baaqa oo ku xusan go’aanno si wadajir ah loo gaaray, ayaa u gogol-xaaraya daah furidda duulimaad toos ah oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Dar es Salaam todobaadyada nagu soo fool leh.
Shirkadda Air Tanzania, ayaa duulimaadkaasi billaabi doonta dhowaan, iyadoo looga gol leeyahay kor-u-qaadidda isku-xidhka, ganacsiga, iyo isu socodka muwaadiniinta labada dal.

Labada dal waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan Heshiiska Bedqabka Duulimaadyada ee laba geesoodka ah (BASA), oo markii hore la saxiixay sanadkii 1975, tani oo caddaynaysa in labada dal ay ka go’antahay ilaalinta heerarka caalamiga ee bedqabka duulimaadka.

Dukumintiga baaqa ah ayaa waxaa kala saxiixay wakiillo ka kala socday labada dal, iyadoo tani ay ka tarjumayso dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga, laguna soo ban-bixinayo hindisayaal wax-qabad iyo hore-u-socodba leh.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles