Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah,  Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo fursadaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Sacuudiga soo dhoweynta diirran iyo diyaar u ahaanshaha iskaashi miro dhal ah. Dhinaca kale, Danjiraha ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in la taageero dadaallada horumarineed ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kobcinta dhaqaalaha badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada masuul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta, lana dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta mashaariicda la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si loo gaaro yoolalka istaraatiijiga ah ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles