Monday, January 26, 2026

Dib u dhac ku yimid Ciidamadii Masar ee la filayay in la keeno Soomaaliya

Dib u dhac kale ayaa ku yimid ciidamadii Masar ee la filayay in la keeno Soomaaliya, kuwaasi oo ka mid noqon lahaa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Arrintan ayaa ka dhalatay caqabado dhaqaale iyo farsamo oo soo wajahay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ugu danbeyn la goi’aamiyay inay ciidamada Burundi sii joogaan Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa hore loo qorsheeyay inay Soomaaliya ka baxaan ugu danbeyn 30-ka June ee sanadkan 2025, Markii ay Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi isku khilaafeen tirada Askarta Burundi, waxaana bedelkooda la filayay inay buuxiyaan ciidamada ka imaanaya dalka Masar.

Go’aanka sii joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya waxaa lagu gaaray fadhigii 1287-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AUPSC). Kulanka waxaa guddoomiyay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Jeje Odongo oo sheegay in sii joogitaanka ciidamada Burundi ay muhiim u yihiin burburinta al-Shabaab, iyo xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika wuxuu go’aamiyay in dhammaan ciidamada Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (Aussom) ee hadda ka howlgalaya Soomaaliya oo ay ku jiraan, ciidamadii loo qorsheeyay inay ka baxaan June 30, 2025, ay heli doonaan kaalmada saadka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) illaa lix bilood oo kale.

Dib u dhaca ku yimid keenista ciidamadii Masaarida ee bedeli lahaa kuwa Burundi ayaa hubanti la’aan hor leh ku keenaya inay suuragalnimada in ciidamada Masar gebi ahaan yimaadaan Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wajahaya xaalado ka dhashay dhaqaale darro iyo gaabis ku yimid hanaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee lagu daad gureyn lahaa ciidamada ciidamada Masar, taasoo fursad siisay in Soomaaliya lagu sii hayo ciidamadii bixi lahaa ee Burundi iyo booliska dalalka Ghana iyo Sierra Leone oo iyagana la bedeli lahaa.

Marka la eego qorshaha ciidan ee Midowga Afrika, waxaa Ciidamada Masar la keeni karaa Soomaaliya oo kaliya marka ay dalka ka baxaan tiro u dhiganta ciidamadaas oo Burundi ah, kuwaas intooda badan ka howlgala Hirshabeelle.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika wuxuu ka dalbaday Madaxda Midowga Afrika inay la xiriiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo saaxiibada kale si loo qabto shir dhaqaale loogu uruurinayo howlgalku AUSSOM oo hadda u baahan dhaqaale gaaraya $166.5 milyan sannadkii.

Qorshaha loo dejiyay Ciidamada ka mid noqonaya AUSSOM ee rasmiga ah waxay ka kooban yihiin: 4,500 askari oo ka socda Uganda, 2,500 oo Itoobiyaan ah, 1,520 askari oo Jabuuti ka socda, 1,410 Kenyaan ah, iyo 1,091 ciidan gaaraya oo ka imaan lahaa dalka Masar.

Midowga Afrika wuxuu walaac xoog leh ka muujiyey sida ay Dowladda Soomaaliya ugu diyaarsan tahay inay si buuxda ula wareegto amnigeeda, inkastoo ay sheegtay inay tababartay in ka badan 20,000 xiligan oo dagaallada Alshabaab sii kordheen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles