Sunday, August 31, 2025

Heshiis laga gaaray dhismaha maamulka Khaatuma iyo Maakhir iyo qeybsiga Ergooyinka

Shirarkii siyaasadeed ee maalmahan ka socday magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu heshiiyay, iyadoona is-afgarad balaaranย  laga gaaray dhismaha Maamul cusub oo ay si wadajir ah u yeeshaan beelaha wada dega gobollada Khaatumo iyo Maakhir.

Maamulka cusub ayaa lagu saleeyay qaab deegaan iyo degmooyin, wuxuuna ka koobnaan doonaa magaalooyinka: Ceerigaabo, Laascaanood, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex iyo Buuhoodle.

Ergooyinka dhisaya maamulka cusub ayaa gaaraya 311 xubnood, waxaana beelaha u kala heleen sidan:

Dhulbahante โ€“ 138 ergo

Mohamud Harti โ€“ 135 ergo

Fiqi Shini โ€“ 19 ergo

Suwaqroon โ€“ 4 ergo

Ahmed Harti โ€“ 2 ergo

Kaskiqabe โ€“ 2 ergo

Dir โ€“ 1 ergo

Madhibaan โ€“ 2 ergo

Geri โ€“ 3 ergo

Ugaaslabe โ€“ 4 ergo

Is-afgaradkan ayaa lagu tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya dhismaha maamul rasmi ah oo mideeya beelaha deegaanka, isla markaana suurtagelinaya matalaad cadaalad ku dhisan, nabadgalyo iyo horumar.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada iyo dhismaha Baarlamaanka Maamulka cusub, si loo guda galo wejiga xiga ee maamulka dhismihiisa.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles