Puntland oo cadeysay inaysan aqoonsaneen dhismaha SSC Khaatuma

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay mowqifkeeda ku aaddan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo ku dhawaaqday in aysan Puntland aqoonsanayn maamulkaasi illaa laga qabto shirweyne guud oo wadatashi ah oo ay ka qaybqaataan dhammaan beelaha Puntland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in gobollada Sool iyo Cayn ay ka tirsan yihiin Puntland, sida ku cad Dastuurka maamulka, islamarkaana aan la aqbali karin in si gaar ah loo gooniyeeyo maamulka SSC-Khaatumo iyada oo aan laga helin sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud.

“Gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland waxay si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay faragelin toos ah oo lagu wiiqayo amniga iyo dowladnimada Puntland. Maamulka Garoowe ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay damacsan tahay burburinta xasiloonida gobolka, islamarkaana ay carqaladeynayso dagaalka Puntland kula jirto kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Sida war-saxaafadeedku xusay, Dowladda Federaalka ayaa ku kacday talaabo xadgudub ah, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo — arrin Puntland u aragto mid dhaawaceysa heshiiskii dhismaha federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Puntland.

Go’aanka Puntland ayaa si degdeg ah uga dhaliyay fal-celin xooggan oo kasoo yeertay qaar ka mid ah siyaasiyiinta SSC-Khaatumo. Murashax Madaxweynaha SSC, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo siyaasi Cabdirisaaq Ibraahim Ataash ayaa si cad uga horyimid sheegashada Puntland, iyagoo ku tilmaamay “mid aan sharciyad lahayn oo aan la aqbali karin.”

Labada siyaasi ayaa xusay in shacabka dega SSC ay hadda si xor ah uga tashanayaan mustaqbalkooda, ayna dhisteen maamul u taagan xuquuqdooda iyo amnigooda, iyadoo aan loo baahnayn in cid kale sheegato gobolladaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles