Monday, September 1, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah (Media Satellite Teleport)

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay ee warbaahinta (Media Satellite Teleport), oo qeyb ka qaadanaya horumarinta isgaarsiinta iyo tebinta casriga ah ee warbaahinta dalka.

Xaruntan cusub ee casriga ah ee ku shaqeysa nidaamka digitalka ayaa u saamixi doonta Warbaahinta Qaranka baahinta tooska ah ee barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta, iyadoo la adeegsanaysa dayax-gacmeedyo gaar ah, taasi oo looga maarmi doono in adeegyadaasi loo maro dalalka dibedda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xaruntan cusub ay sidoo kale siyaabo kala duwan oo amniga ay ka mid tahay u isticmaali karaan hayโ€™adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha oo uu guddoomiyay Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay hirgelinta War-laliskan casriga ah ee (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in mashruucan cusub ee dhaqan galey uu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo dhismaha kaabayaasha casriga ah ee warbaahinta, digital-ka, horumarka tiknoolojiyadda la xiriira iyo weliba abuurista fursado shaqo.

Soomaaliya waxay lahaan jirtey Teleport Analogue ah oo hoos imaan jiray war laliskii hore ee dalka oo dagaallada sokeeye ku burburay 34 sanno ka hor.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles