DFS oo ka hadashay Markab hubka sida oo ay qabatay Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ku cambaareysay afduubka iyo xadgudubka lagu sameeyay markabka SEA WORLD oo wata calanka Jasiiradda Comoros, kaasi oo qabatay Puntland, kuna sii jeeday Dekedda Muqdisho isaga oo siday qalab ciidan loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM.

DFS ayaa sheegtay in falka lagu afduubtay markabka uu ahaa mid si toos ah u dhaawacaya madax-bannaanida dalka, islamarkaana lagu xadgudbay Dastuurka KMG ah, iyadoo kooxaha falkaas geystay lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin dowlad-goboleedka Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in falkaasi uu jebinayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS – 1982), waxaana lagu tilmaamay burcad-badeednimo sharci darran ah.

Dowladda Federaalka waxay:-

  1. Dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay difaaca qaranka.
  2. Uga digtay Puntland in ay sii waddo howlgalka sharci darrada ah ee xeebaha hoos yimaada maamulkaas, iyadoo ku baaqday wada-shaqeyn iyo ixtiraam buuxa oo laga muujiyo dowladda dhexe.
  3. Caddeysay in ay ka go’an tahay la dagaallanka falalka burcad-badeednimo, iyo maxkamadeynta cid kasta oo ka dambeeysa falal amni-darro ah oo lagu beegsado maraakiibta ku socda badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, DFS ayaa dowlad-goboleedyada ugu baaqday in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee ku saabsan difaaca iyo maareynta badaha dalka, iyadoo ka digtay faragelin kasta oo aan sharci ahayn oo khatar gelinaysa amniga qaranka iyo gobolka

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles