Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay xaalada Gedo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay fadhiga toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubaland, kaas oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee gobolka Gedo iyo duullaanka ay Jubaland ku tilmaamtay mid “qaawan” oo uu Taliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka wado qaybo kamid ah deegaannada maamulka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay xaalada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe inay wiiqayso nidaamka Federaalka ayna si toos ah u faragelinayso arrimaha gudaha ee Jubaland.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Jubaland waxay si rasmi ah u meelmariyeen xeer cusub oo la xiriira Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland.

WARARKII KALE

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles