Friday, April 24, 2026

Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay xaalada Gedo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay fadhiga toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubaland, kaas oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee gobolka Gedo iyo duullaanka ay Jubaland ku tilmaamtay mid “qaawan” oo uu Taliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka wado qaybo kamid ah deegaannada maamulka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay xaalada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe inay wiiqayso nidaamka Federaalka ayna si toos ah u faragelinayso arrimaha gudaha ee Jubaland.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Jubaland waxay si rasmi ah u meelmariyeen xeer cusub oo la xiriira Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Pakistan oo wadahadal yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa saraakiil sare oo...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa...

Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo laga leeyahay Pakistan

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab...

Trump oo sheegay in Hubka Nukliyeerka uusan u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka...

Xog dheeraad oo laga helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles