Wednesday, June 24, 2026

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u jawaabay Donald Trump ayaa yiri, “Haddii gardarrada la soo celiyo, waxaan shaki la’aan uga jawaabi doonnaa si adag, jawaab aan mar aysan dambe suurtagal ahayn in la qariyo.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku soo qoray shabakada bulshada ee X: “Duqeymihii sharci darrada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran waxa ay caddeeyeen in aanu jirin xal militari. Laakin xal wada xaajood ah ayaa laga yaabaa in uu shaqeeyo”.

Saacado ka hor, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay, isaga oo jooga Scotland oo uu wehelinayey Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer: “Waxay soo dirayaan calaamado aad u xun, calaamado aad u xun, mana aha inay sidaan sameeyaan… Waxaan baabi’inay awoodooda nukliyeerka, mar kale ayay bilaabi karaan. Haddii ay sameeyaan, waxaan u tirtiri doonaa si dhaqso badan.”

Isaga oo tixraacaya waraysi uu dhawaan taleefishin siiyey Cabbaas Araqchi, waxa uu yiri: “Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan waxa uu ka hadlayaa waxyaabo aanay ahayn in uu ka hadlo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale yiri: “Waxaan u maleynayaa inay ku jiraan wadahadal, waxayna ka hadlayaan arrimo Xamaas ku saabsan, ioyi qaar ahaysan ahayn in ay ka hadlaan”.

Cabbaas Araqchi ayaa todobaadkii hore la hadlay Fox News, wuxuuna Mr. Trump ka fal celiyay kadib markii la baahiyay, isaga oo ku qoray shabakada bulshada ee Truth in xarumaha Nukliyeerka ee Iran la burburiyay, haddii loo baahdo uu mar kalena samayn doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles