Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u jawaabay Donald Trump ayaa yiri, “Haddii gardarrada la soo celiyo, waxaan shaki la’aan uga jawaabi doonnaa si adag, jawaab aan mar aysan dambe suurtagal ahayn in la qariyo.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku soo qoray shabakada bulshada ee X: “Duqeymihii sharci darrada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran waxa ay caddeeyeen in aanu jirin xal militari. Laakin xal wada xaajood ah ayaa laga yaabaa in uu shaqeeyo”.

Saacado ka hor, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay, isaga oo jooga Scotland oo uu wehelinayey Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer: “Waxay soo dirayaan calaamado aad u xun, calaamado aad u xun, mana aha inay sidaan sameeyaan… Waxaan baabi’inay awoodooda nukliyeerka, mar kale ayay bilaabi karaan. Haddii ay sameeyaan, waxaan u tirtiri doonaa si dhaqso badan.”

Isaga oo tixraacaya waraysi uu dhawaan taleefishin siiyey Cabbaas Araqchi, waxa uu yiri: “Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan waxa uu ka hadlayaa waxyaabo aanay ahayn in uu ka hadlo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale yiri: “Waxaan u maleynayaa inay ku jiraan wadahadal, waxayna ka hadlayaan arrimo Xamaas ku saabsan, ioyi qaar ahaysan ahayn in ay ka hadlaan”.

Cabbaas Araqchi ayaa todobaadkii hore la hadlay Fox News, wuxuuna Mr. Trump ka fal celiyay kadib markii la baahiyay, isaga oo ku qoray shabakada bulshada ee Truth in xarumaha Nukliyeerka ee Iran la burburiyay, haddii loo baahdo uu mar kalena samayn doono.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles