Tuesday, April 28, 2026

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay soo gaareen ku dhawaad 200 oo qoys, kuwaasi oo u badan haween, caruur iyo waayeel.

Dadkani waxay sheegeen in ay guryahooda uga baxeen cabsi iyo rasaas culus oo ku dhacaysay xaafadahooda.

Qaar ka mid ah barakacayaashan ayaa hadda lagu dejiyey iskuullo loo bedelay xeryo ku meel gaar ah, halka kuwa kalena ay la hoydeen eheladoodii horey ugu sugnaa magaalada Mandheera.

Mas’uuliyiinta maamulka deegaanka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo gaarsiiyo gargaar degdeg ah, iyaga oo xusay in xaaladdu tahay mid bani’aadanimo oo aad u cakiran isla markaana u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Dadka ku barakacay dagaallada Balad-Xaawo ayaa wajahaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin:

Hoy la’aan

Cunto yari

Biyo la’aan

Daryeel caafimaad oo xaddidan

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles