Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF oo maanta iska diiwaan geliyay Degmada Xudur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah uga bilaabatay Magaaladda Xudur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid noqday dadweynaha Magaaladda Xudur oo safar dhaadheer ugu jiray is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya islamarkaana qaata kaarka isdiiwaangelinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha guddoonsiiyay kaarkiisa isdiiwaangelinta ayaa la hadlay dadweynihii usoo baxay in ay qaataan kaarka diiwaangelinta, wuxuuna kula dardaarmay in ay isdiiwaangeliyaan si ay mustaqbalka codkooda u dhiibtaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka ku nool deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kula dardaaramay in ay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles