Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka ganacsiga, waxbarashada, iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.

Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka ganacsi, siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN. Waxa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan gobollada istaraatiijiga ah ee dhaqaalaha iyo waxbarashada.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles