Guddoomiye Aadan Madoobe oo dhagax dhigay mashruuc ceel biyaad ah oo laga hirgelinayo degmada Xudur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhagax dhigay mashruuc ceelal biyood looga hirgelinaayo Magaaladda Xudur iyo deegaanadda kale ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmadda Xudur isla markaana si rasmi ah u dhegax dhigay mashruucan ceelka lagu qodayo ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo deegaanadda gobolka oo dhan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mashruuca ceelka riiga ah looga qodayo Magaaladda Xudur uu isaga si gaar ah u hirgelinayo ayaa sheegay inuu ugu talo galay in dadka deegaanka ay ka faa’ideystaan, islamarkaana uu wax badan ka tari doono baahida dhinaca biyaha ah ee shacabka ku nool Magaaladda Xudur.

Qodista ceelka riiga ah ee laga hirgelinayo Magaaladda Xudur ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doonta, waxa ayna noqon doontaa talaabo ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku nool Magaaladda Xudur.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles