Tuesday, March 3, 2026

Khasaare ka dhashay iska horimaad ka dhacay Gobolka Bari

Iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Kala-baydh ee degmada Boosaaso, kadib markii laba maleeshiyo beeleed ay isku fara saareen.

Xogta hordhaca ah waxay tilmaamaysaa in iska hor-imaadku uu ka dhashay muran ku saabsan lahaanshaha iyo isticmaalka ceelbiyood cusub oo laga qodayo halkaas, taas oo ay labada dhinac si adag ugu kala aragti duwan yihiin.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah ay weli ka taagan tahay deegaanka, iyadoo waddada isku xirta Boosaaso iyo magaalooyinka kale la xiray, dadka iyo gaadiidkana laga celinayo aagga Meermeerka ee magaalada Boosaaso.

Wararka kale waxay sheegayaan in labada ciidan beeleed ay weli isku horfadhiyaan meel aan ka fogayn deegaanka Kalabayr.

Maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha amniga ayaa goobta u baxay, iyagoo ku howlan sidii loo joojin lahaa rabshadaha iyo in wada hadal lagu xalliyo khilaafka ceelka biyaha.

Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo tallaabooyinka la qaadayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles