Khasaare ka dhashay iska horimaad ka dhacay Gobolka Bari

Iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Kala-baydh ee degmada Boosaaso, kadib markii laba maleeshiyo beeleed ay isku fara saareen.

Xogta hordhaca ah waxay tilmaamaysaa in iska hor-imaadku uu ka dhashay muran ku saabsan lahaanshaha iyo isticmaalka ceelbiyood cusub oo laga qodayo halkaas, taas oo ay labada dhinac si adag ugu kala aragti duwan yihiin.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah ay weli ka taagan tahay deegaanka, iyadoo waddada isku xirta Boosaaso iyo magaalooyinka kale la xiray, dadka iyo gaadiidkana laga celinayo aagga Meermeerka ee magaalada Boosaaso.

Wararka kale waxay sheegayaan in labada ciidan beeleed ay weli isku horfadhiyaan meel aan ka fogayn deegaanka Kalabayr.

Maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha amniga ayaa goobta u baxay, iyagoo ku howlan sidii loo joojin lahaa rabshadaha iyo in wada hadal lagu xalliyo khilaafka ceelka biyaha.

Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo tallaabooyinka la qaadayo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles