Tuesday, April 28, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda Iska Diiwaan-giliyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta iska diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku ammaanay Guddiga Doorashooyinka Qaranka tallaabooyinka ay u qaadeen qabsoomidda doorashooyinka tooska ah.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaan-gelinta, si ay u helaan xaqa dastuuriga ah ee ku saabsan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka iyo masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada iyo masiirka dalka.

“Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha waa mahadsan yihiin. Doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka dhacdo waa rajo muddo dheer soo socotay, waxay ku qornayd Dastuurkeenna ku meelgaarka ahaa. Dadka Soomaaliyeed in ay u soo noqoto awooddooda ku saabsan in ay yeeshaan go’aanka doorashada hoggaankooda ha noqdo Xildhibaan heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah, Madaxweynaha dalka iyo Hoggaanka heer dowlad goboleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey laamaha amniga, Guddoonka degmooyinka iyo bulshada deegaannada ay ka socoto is-diiwaan gelinta, kuwaas oo si masuuliyad leh isula wada geeddi socodka is-diiwaan gelinta doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles