Gen Odawaa oo tagay deegaanka Bariire ee laga saaray Al-shabaab

Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada Sifeynta Al-shabaab Waxaana uu is dultaagay Talisyada fariisimaha Ciidamada Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhwaan laga saaray Al-shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga.

Taliyaha Guutada 17 Kumaandooska Gor Gor ee XDS Gaashaanle Cali Ahmed Xaashi ayaa Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka kusoo dhaweeyay degaanka isagoona warbixin ka siiyey Jabkii Al-shabaab loogu geystay degaanka Bariire.

Kormeerka Bariire intii uu socday Gen Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga wuxuu la hadlay askarta Xoogga Dalka iyo Ciidanka Uganda si uu ugu muujiyo garab istaag waxaana uu ku Bogaadiyay Guulaha ay ka gaareen Howlgalka Al-shabaab looga xorreynayo Gobolka Shabeelada Hoose.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles