Tuesday, April 21, 2026

Laascaanood oo gashay marxalad loolan siyaasadeed cusub iyo Firdhiye iyo Cabdirashiid Abwaan oo kulamo bilaabay

Kulamo siyaasadeed ayaa ka bilowday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasi oo ay wadaan siyaasiyiinta musharixiinta madaxtinimada ee maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye iyo siyaasiga caanka ah Cabdirashiid Abwaan ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay xildhibaannada cusub ee maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya, kuwaas oo dhowaan lagu dhaariyey magaalada Laascaanood.

Kulankan oo lagu tilmaamay mid muhiim ah ayaa loo arkaa bilowga ololaha siyaasadeed ee madaxtinimada maamulka cusub, iyadoo labada musharrax ay si cad u muujinayaan damacooda hoggaamineed.

Maalmaha soo socda, Laascaanood waxaa ka billowday loolan siyaasadeed iyo kala jiidasho xooggan oo u dhexeeya musharraxiinta u taagan Guddoonka Baarlamaanka iyo xilka Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya, taas oo xiisaha siyaasadeed ee magaalada sii kordhisay.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa sheegay in si rasmi ah uu furmay loolanka siyaasadeed ee maamulka cusub, isagoo xildhibaannada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka bulshada gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles