Guddiga Doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo maanta la magacaabay

Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada  Maxamuud Salaad Warsame ayaa shir-guddoomiyay fadhiga 1-aad ee ee kal-fadhiga 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari.

Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa Magcaabista Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dawalad Goboleedka Waqooy Bari Soomaaliya.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray (77) xubnood.

Ugu horayn, guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa magacaabay xubnaha Golaha Wakiillada waxa uuna u magacaabay:
Xil: Axmed Cabdi Cali (Guddoomiye)
Xil: Cabdi Ismaaciil Axmed Barkuud (Guddoomiye ku-xigeen)
Xil: Cabdikariin Cali Ismaaciil (Xoghaye)
Xil: Siciid Dalmar Faarax ( Xubin)
Xil: Maxamed Maxamuud Cali ( Xubin)
Xil: Guuleed Maxamed Nuux ( Xubin)
Xil: Axmed Cali Xuseen ( Xubin)

Guddoomiyahana ayaana faray guddiga in ay sida ugu wanaagsan uguna deg-dega badan uga shaqeeyaan hawlaha doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada waxaa khudbad hambalyo iyo bogaadin shaqo u jeediyay Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda FS Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, waxa uuna Golaha kula dardaarmay in ay u shaqeeyaan sida ugu wanaagsan.

Ugu dambayn, waxaa fadhiga maanta soo xidhay Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles