Tuesday, March 3, 2026

Guddiga Doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo maanta la magacaabay

Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada  Maxamuud Salaad Warsame ayaa shir-guddoomiyay fadhiga 1-aad ee ee kal-fadhiga 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari.

Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa Magcaabista Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dawalad Goboleedka Waqooy Bari Soomaaliya.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray (77) xubnood.

Ugu horayn, guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa magacaabay xubnaha Golaha Wakiillada waxa uuna u magacaabay:
Xil: Axmed Cabdi Cali (Guddoomiye)
Xil: Cabdi Ismaaciil Axmed Barkuud (Guddoomiye ku-xigeen)
Xil: Cabdikariin Cali Ismaaciil (Xoghaye)
Xil: Siciid Dalmar Faarax ( Xubin)
Xil: Maxamed Maxamuud Cali ( Xubin)
Xil: Guuleed Maxamed Nuux ( Xubin)
Xil: Axmed Cali Xuseen ( Xubin)

Guddoomiyahana ayaana faray guddiga in ay sida ugu wanaagsan uguna deg-dega badan uga shaqeeyaan hawlaha doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada waxaa khudbad hambalyo iyo bogaadin shaqo u jeediyay Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda FS Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, waxa uuna Golaha kula dardaarmay in ay u shaqeeyaan sida ugu wanaagsan.

Ugu dambayn, waxaa fadhiga maanta soo xidhay Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles