Diyaaradii ugu horeysay oo maanta tagtay degmada Buurhakaba

Diyaaraddii ugu horreysay oo ay saarnaayeen masuuliyiin iyo shacab isugu jira ayaa maanta si rasmi ah uga soo degtay Garoonka cusub ee diyaaradaha degmada Buurhakaba, oo ku yaalla gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa yeelatay garoon diyaaradeed oo cusub, waxaana maanta markii ugu horreysay ka degtay diyaarad rakaab ah, kaddib markii dhawaan la soo gabagabeeyey dhismaha garoonkan.

Duulimaadyada diyaaradaha ee degmada taariikhiga ah ayaa hadda noqonaya kuwo joogto ah, iyadoo bulshada degmada ay baahi weyn u qabeen, maadaama uu garoonku fududeynayo isu socodka iyo adeegyada muhiimka ah.

Garoonkan cusub ayaa noqonaya mid fure u ah isku xirka degmada Buurhakaba iyo guud ahaan gobolka Bay, isaga oo fududeyn doona socdaalka dadka iyo gaadiidka hawada, isla markaana horseedi doona koboc dhaqaale iyo adeegyo bulsho oo hor leh.

Degmada Buurhakaba oo ah tan labaad ee ugu weyn gobolka Bay, ayaa 180 km u jirta magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, halka ay 60 km u jirto magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles