Diyaaradii ugu horeysay oo maanta tagtay degmada Buurhakaba

Diyaaraddii ugu horreysay oo ay saarnaayeen masuuliyiin iyo shacab isugu jira ayaa maanta si rasmi ah uga soo degtay Garoonka cusub ee diyaaradaha degmada Buurhakaba, oo ku yaalla gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa yeelatay garoon diyaaradeed oo cusub, waxaana maanta markii ugu horreysay ka degtay diyaarad rakaab ah, kaddib markii dhawaan la soo gabagabeeyey dhismaha garoonkan.

Duulimaadyada diyaaradaha ee degmada taariikhiga ah ayaa hadda noqonaya kuwo joogto ah, iyadoo bulshada degmada ay baahi weyn u qabeen, maadaama uu garoonku fududeynayo isu socodka iyo adeegyada muhiimka ah.

Garoonkan cusub ayaa noqonaya mid fure u ah isku xirka degmada Buurhakaba iyo guud ahaan gobolka Bay, isaga oo fududeyn doona socdaalka dadka iyo gaadiidka hawada, isla markaana horseedi doona koboc dhaqaale iyo adeegyo bulsho oo hor leh.

Degmada Buurhakaba oo ah tan labaad ee ugu weyn gobolka Bay, ayaa 180 km u jirta magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, halka ay 60 km u jirto magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles